Turkiga oo Muqdisho ka bilaabaya Fulinta mashruuc weyn oo uu horey u balan-qaaday Erdogan

 

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u Dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Saadaq Abdullahi Abdi ayaa sheegay in dhismayaasha guryihii dawladda Turkigu balan qaaday inay Muqdisho ka hirgalinayso qorshahoodu marayo meel fiican.

Wafdiga wasiirka oo booqanaya Turkiga kana koobnaa Wasiirka iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa si diiran loogu Soo dhoweeyey Magaalooyinka Ankara iyo Antalya.

Masuuliyiinta ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Ganacsiga iyo canshuuraha ee dowlada Turkiga, Hay’adda Horumarinta ee TIKA, Wasaarada Waxbarashada iyo tan Arimaha Dibada ee dalkaas.

Wasiirka hawlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa kala hadlay Masuuliyiinta Dowlada Turkiga sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Eng. Saadaq Abdullahi Wasiirka Hawlaha Guud, dib u Dhiska ayaa sheegay in dawladda Turkiga iyo hay’adaha shacabka Turkigu ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u kabashada dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo canshuuraha Turkiga ayaa sidoo kale xusey in mar walba ay garab taagnaan doonaan Shacabka Soomaaliyeed ilaa ay ka gaaraan awoodii ay lahaan jireen ee Qaarada Afrika iyo Mida dunida.

Sidoo Kale, Wasiirka ayaa ku dhiira geliyey Ganacsatada Turkiga inay Maalgeshi ku sameystaan Somalia taasoo ay aad u soo dhoweeyeen ganacsatada Dowlada Turkiga.

Waxaa la diyaariyey Guddigii shaqo ee fulinta Mashaariicda 10,000 (kun) guri ee laga dhisayo magaalada Muqdisho kuwaasoo goor dhow iman doona Somalia.

Inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu Wasiirku sidoo kale la kulmi doonaa madax kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Soomaaliya taageera ee Turkiga iyo mas’uuliyiinta Dowladda, kuwaasoo uu kala hadlayo sidii Wasaaraddiisa looga gacan siin lahaa gudashada Waajibaadka ka saaran dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo ka mid ah Wadamada ugu horeeya ee taageerada la garab taagan Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday inay Muqdisho ka dhisi doonto ilaa 10,000 kun oo guryo Casri ah taasoo ka qeyb qaadan doonta Horumarka Dhaqaale iyo Bilicsimada dalka Somalia.