DAAWO MUUQAALKA: Lacagihii Faalsada Ahaa Ee Lagu Gubay Magaalada Boosaaso

 

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah gubay lacag shilling Soomaali oo la sheegay in laga diidey gudaha Puntland, sidoo kale waxaa lacagtaas kamid ahayd mid duug ah oo Puntland ka soo gashey gobolada Bartamaha Soomaaliya ah taasoo ay dhawaan qabteen Ciidanka Kontoroolka magaalada.

Waxaa ka qaybgalay munaasabaddii lagu gubey lacagta Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe oo weheliyaan maamulka gobolka, Maamulka Bangiga, Agaasimayaasha Wasaaradda.