Maxkamad ku taala Talyaaniga oo Xabsi Daa’in ku riday Nin Soomaali ah +Sawir

Maxkamada ku taala magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa xukun xabsi daa’in ah ku rida nin Soomaali ah oo la sheegay in uu kamid ahaa magafayaasha dalka Liibiya ku dhibaateen jiray dadka Soomaalieed ee u tahriibaa Qaarada Yurub.

Ciidamada booliiska magaalada Milano ayaa xiray ninkan kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qaar kamid ahaa dadkii Soomaaliyeed uu kusoo dhibaateeyay saxaraha dalka Liibiya, waxaana ninkan markii dambe la horgeeyay Maxkamad.

Maxkamad Milan kutaala ayaa ku heshay Cusmaan Maxamud, oo 22 sano jir ah dambiyadii lagu soo eedeeyay oo kamid ahaa dil, kufsi iyo jirdil, waxa uuna ninkan xariir la lahaa magafayaal kale oo u dhashay dalka Liibiya.

Marqaatiyaal badan oo Maxkamada la horkeenay ayaa ninkan ku marqaati furay tacadiyadii uu dadka ugu geestay dalka Liibiya, waxa uuna ninkan kufsaday gabdho badan sidoo kale jir dilay, waxaa kale lagu helay in lacagao baad ah ka qaadan jiray waalidiinta dadka uu heestay.

Maxkamada kiiska ninkan gacanta ku heysay ayaa ugu dabeyn ku riday xukun xabsi daa’in ah, waxaana xukunka adag ee lagu riday ninkan magafaha ahaa soo dhaweeyay qaar kamid ah Soomaalidii uu dhibaateeyay oo kunool dalka Talyaaniga iyo wadamo kale.