Haweeney Faransiis Ah Oo Xabsi 10-Sanno Ku Muteysatay Wiilkeeda Oo Ku Biiray Kooxda Daacish

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Kiristina Rifiyeere oo 51 jir ah waxaa xukunka ku riday Maxkamad ku taalla magaalladda Paris.

Haweeneydaasi oo 51-jir ah laguna naanayso JIHADI GARAN ayaa la sheegay inay 3 jeer  socdaal ku tegtay dalka Syria, si ay u soo aragto Wiilkeeda oo lagu magacaabo Tayler Filuus, kaasi oo ka mid  ah Dagaalamayaasha Daacish.

 

Xukunkeeda ayaa yimid hal toddobaad kadib, markii Hooyo 3 carruur leh lagu helay inay Lacago u xawishay wiilkeeda oo u safray dalka Syria, kuna biiray Daacish.