Safiirkii Dowlada Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya oo is casilay

Safiirkii Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa la xaqiijiyay in uu is casilay kana tagayo shaqada, waxaana is casilaada Safiirka lagu sababeeyay arimo shaqsi ah oo isaga u gaar ah.

Safaarada Maraykanka ee dalka Kenya ayaa xaqiijisay is casilaada Ampasador Stephen Schwartz, waxaana safiirka la sheegay in shaqo fiican oo aad loogu riaaqay uu qabtay intii uu Soomaaliya ka howl galayay.

Stephen Schwartz ayaa intii uu Soomaaliya joogay xariir fiican la sameeyay Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka, waxa uuna safiirka sii xoojiyay xariirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waxaa xilka safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya sii heyn doona safiirka is casilay kuxigeenkiisa, waxaana la filayaa in Dowlada Mareykanka ay soo magacawdo Safiir cusub oo Soomaalia Wakiil uga noqon doona.