Maxkamad ku taalla dalka Sweden oo ka farxisay Haweeney 106-sano jir ah (Daawo Sawirro)

Haweeney 106-sano jir ah ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay go’aanka Maxkamadeed ee lagu joojiyay in laga musaafuriyo dalka Sweden.

Khalbibi Uzbeki oo ah qof waayeel ah oo aan sariirta ka kicin, arageeduna aad uu daciif u yahay ayaa la aaminsan yahay inay tahay qofkii ugu waynaa ee megengelyo laga siiyo qaaradda Yurub.

“Ma aadi lahayn Afghanistan, amniga ma wanaagsana, kamana helayo adeegga caafimaadka ee aan u baahanahay,” ayey tiri Khalbibi Uzbeki.

Maxkamadda arrimaha socdaalka ayaa sheegtay in go’aanka ay ku salaysay xaalad bini-aadamnimo.
“Waxay noqonaysaa xaalad argagax leh haddii lagu qasbo in ay dalkeeda dib ugu noqoto,” ayey tiri maxkamadda ku taalla magaalada Gothenburg.

Go’aanka wuxuu meesha ka saaray, diidmada dalabkeedii megengelyo doonka ee la diiday bishii May ee sanadkan.

Khalbibi Uzbeki waxay Yurub gashay 2015-kii. Waxaa buuraha dushooda iyo kaymaha soo mariyay wiilkeeda iyo nin ay ayeeyo u tahay, iyadoo rafaad badan soo martay.