Ninkii Fuliyey Is-Qarxintii Ka Dhacday Raashiya Oo La Aqoonsaday

Afhayeen u hadlay Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in Ninka is-qarxiyey uu ahaa Nin  asalkiisu ka soo jeedo dalka Kharakihistan (Kyrgyzstan.), balse haysta dhalashadda dalka Raashiya.

Ninkaasi waxaa lagu magacaabi jirey Akbarzohon Jalilov, kaasi oo sannadkii 1995-kii ku dhashay magaalladda Osh ee dalka Kyrgyzstan.

Afhayeenka waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin kale ka bixiyo qarixii sababay dhimashadda ee shalay ka dhacday goobo laga raaco Tareenadda oo ku taalla magaalladda Saint Peterburg ee dalka Raashiya.

11-qof ayaa ku geeriyootay Qaraxaasi, iyadoo  45 kalena ku dhaawacmeen