Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Safar Shaqo U Aaday Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 04 April 2017 safar shaqo u aadey dalka isutaga Imaaraadka carabta.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kanooko ee magaalaga Garoowe ku sii sagootiyey gudoomiyaha koowaad iyo gudoomiyaha labaad ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo  saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha oo kahadlay safarka  ay ku tegeyaan isaga iyo weftigiisu dalka isutaga  Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu sheegay in uu daaranyahay arrimo la xiriira mashruuca casriyaynta iyo balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo uu sheegay madaxweynuhu inuu marayo meelgebogebo ah.

‘’ waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo aan u aadayo    heshiiskii mudo soo socdey ee ahaa balaadhinta iyo casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso, heshiis kaas oo mudo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado, mashruucani waxaana uu wax weyn katarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in mashruucani uu dan u yahay horumarinta iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland, isla markaana uu wax wayn ka bedelidoono shaqooyinka dekeda xarunta ganasiga dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso, waxaana uu ku booriyey shacabka Puntland inay ilaashadaan xasiloonida iyo kala danbaynta ay ku caanamaashay Puntland.

Ugu Danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa illahay uga baryey inuu ummadiisa ka dulqaado abaarta ugu na bedelo raxmadiisa.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.