CIA-Da Maraykanka Oo Sheegtay Inay Alshabaab Ka Macaashaan Teknoolajiyadda Casriga

Kadib, markii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ansixiyey Qorshaha Taliska Dhexe ee Ciiddanka AFRICOM ee Dagaalka Alshabaab ayaa waxaa la sheegay in Ciiddamo Maraykan loo soo dirayo Somalia, si ay AMISOM uga taageeraan Daagalka ay kula jiraan Alshabaab.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon, Captain Jeff Davis ayaa sheegay in Ansixinta Donald Trump xaqiijinayso Duqeymaha ay Ciiddanka Maraykanka ku taageeraan Hawlgalka AMISOM, laguna beegsado Fariisimaha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Tallaabadaasi ayaa la shaaciyey, kadib, markii ay Warbixin ay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka soo saareen lagu muujiyey inay Dagaalamayaasha Alshabaab ku jiraan Diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee Weerar ballaaran oo ay la maagan yihiin Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa AMISOM, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Hawlgalka Ciiddanka Khaaska Maraykanka ka jooga Somalia ayaa la sheegay inay Toddobaadyadii la soo dhaafay ay ilaalo ku hayeen Dhaqdhaqaaqa Dagaalamayaasha Alshabaab, sida uu sheegya Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka, John Earnest.

Waxa uu intaasi ku daray in Duqeymaha Maraykanka beegsan doonaan Xeryaha Tababarka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, sida laga soo xigtay Sirdoonka Maraykanka, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay ka macaasheen Wararka badan ee Teknoolajiyadda Casriga, kana war helaan Xogaha Taagan, waa sida hadalka loo dhigay.

Waxa kaloo la sheegay inay Alshabaab Teknoolajiyadda u fududeyso inay weeraro ka geystaan gudaha iyo dibedda Somalia, waa sida ay Sirdoonka Maraykanka sheegeen.