War Deg Deg ah: Baarlamaanka Soomaaliya oo Codka Kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada cusub

Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa codka Kalsoonida si buuxda u siiyay Xukuumada Cusub uu dhawaan soo dhisay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka Baarlamaanka ka hadlay ayaa Xildhibaanada u aqriyay Barnaamijkiisa Xukuumadiisa u qorsheesan in ay la timaado ,waxa uuna ka codsaday Xildhibaanada in ay codka Kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub , waxa uuna balan qaaday in wax qabad muuqda la imaan doonto Xukuumadiisa hadii codka kalsoonida la siiyo.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa soo xaadiray 241-Xildhibaan , waxaana kulanka shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa codka kalsoonida siiyay Xildhibaano gaaraya 224 waxaana diiday 15 … Xildhibaan halka ay ka aamuseen 2-Xildhibaan, waxaana sidaasi Codka Kalsoonida ku helay Xukuumada cusub ee Ra’isul Wasaare Kheyre.
.

Shacabka Soomaaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweeyay Kalsoonida ay Baarlamaanka Soomaaliya siiyeen golaha Wasiirda cusub, waxaana la filayaa Wasiirada cusub in ay si rasmi ah xilalkooda ula wareegaan lana yimaadaan waxqabad muuqda.