DEG DEG: Xildhibaan ka tirsan Maamulka Puntland oo Qarax lagu dhaawacay

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay dhacay nawaaxiga Hoteel lagu magacaabo Kalaasik oo ku yaalla Xarunta Gobolka Mudug

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa mid culus lagu xiray gaari uu la haa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland, oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Faarax Bootaan.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu dhaawac culus ka soo gaaray Xildhibaan Bootaan.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa loo qaaday Isbitaal, si halkaasi xaaladiisa caafimaad loogu soo dabiibo.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa uu ku dhaawacmay Xildhibaan Bootaan oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.