Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Saamiga Uu Kulahaa Shirkadda Soma Oil And Gas La Baxay Iskana Casilay Shaqadii Shirkadaas.

Markii saakay madaxweyne Farmaajo uu magcaabay ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa durbo ra’isul wasaaraha lamagcaabay waxaa lasheegay inuu isaga tagay shaqadii shirkadda Soma Oil and Gas oo fadhigeedu yahay Uk taasi oo in muda ah Xassan Cali kheyre uu lashqeynayey isagoo haatan ahaa agaasimaha fulinta shirkadda ee Afrika.

Ra’isul wasaaraha lamagcaabay ayaa saami dhan laba milyan ku lahaa shirkadda Soma Oil oo ka shaqeysa sahminta iyo baarista shidaalka sida ku cad website-keeda, waxaana ra’isal wasaare Kheyre uu labaxay saamigii uu kulahaa shirkadaas markii lamagcaabay kadib,waxaana uu isaga tagay shaqadii shirkadaas oo uu iska casilay maanta.

War saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Soma Oil and Gas waxaa ay ku sheegtay in Xassan Cali Kheyre uu iska casilay xilka agaasimaha shirkadda ee bariga Africa markii saakay loo magcaabay ra’isul wasaaraha soomaaliya islamarkaana uu labaxay saamigiisii shirkadda.