War Deg Deg Ah: Madaxweyne Uhura Kenyatta oo goordhaw kasoo degay Muqdisho

Waxaa goordhaw magaalada Muwdisho kasoo degay Madaxweynaha dowlada Kenya Uhura Kenyatta iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano.

Wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Garoonka , waxaana hada loo soo galbiyay hoolka ay ka socoto munaasabada caleemo saarka Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Uhura Kenyatta ayaa kamid ahaa Madaxda lagu casuumay kasoo qeyb galka Munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in munaasabada uu khudbad ka jeediyo.

Munaasabada maanta lagu caleema saarayo Madaxweynaha la doortay ee Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madax kala duwan oo ka socota Wadamada dariska iyo wadamo daneeya arimaha Soomaaliya