War Deg Deg Ah: Hailemariam Desalegn oo soo gaaray Muqdidsho una gudbay hoolka ay ka socoto …

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray Ra’isul Wasaaraha xukuumada Itoobiya , waxaana garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Madax katirsan Dowlada Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo wafdiga la socda ayaa goordhaw gaaray hoolka ay ka socoto munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Munaasabada lagu caleema saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo waxaa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo kuwaa oo lagu casuumay in ay goob joog ka ahaadaan Xaflada caleemo saark