{SAWIRO}:-Madaxweynayaasha Farmaajo Iyo Geele Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Safaarada Jabuuti Ee Muqdisho.

Waxaa madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele oo goordhaweyd soo gaaray muqdisho ay dhagax dhigeen dhisamaha safaarada Jabuuti ay ku leedahay Muqdisho.

    

Inkastoo safiir uu ujoogay muqdisho Jabuuti hadana waxaa ay dowladda Jabuuti ay dibudhisanaysaa safaradeeda ay ku lahayd muqdisho si xarunta rasmiga ee safarada loogu shaqeeyo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa barqadii maanta soo gaaray muqdisho si uu uga qeybgalo munaasabada caleema saarka madaxweynaha cusub ee Farmaajo iyadoo labada madaxweyne kahor munaasabada maanta ay dhagax dhigeen dhisamaha safarada Jabuuti oo ku taala degmada Cabdicasiis ee gobolka banaadir.