DEG DEG:- Madaxweynihii Ugu Horeeyey Ee Ka Qeybgalaya Xaflada Caleema Saarka Oo Soo Gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee kasoo daga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada muqdisho si uu uga qeybgalo munaasabada caleema saarka madaxwene Farmaaajo.

Goor dhow ayay soo caga dhigatay diyaarada air Jabuuti oo siday madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geele iyo xubno katirsan madaxda Jabuuti oo ka qeyb galaya Caleema Saarka madaxweynaha dalka ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Waxaa garoonka diyaaradaha muqdisho kusoo dhaweeyey madax katirsan dowaladda federaalka oo uu horkacayo ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.

Goordhow oo maanta ah ayaa lagu wadaa inay toos ubilaabato munaasabada caleema saara madaxeynaha taasi oo ka dhaceysa xarunta ciiddamada Cirka ee Afisiyooni.