Dowladda Britain Oo Kireysay Shirkado Ammaan Oo Tababar Siiya Ciiddanka Somalia.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee Dowladda Britain (FCO) ayaa lagu sheegay inay kireysteen Shirkaddo Ammaan oo Gaar loo leeyahay, kuwaasi oo Ciiddanka Boliska u tababari doonaan wax loogu yeeray La-dagaalanka Argagixisadda, sida lagu soo daabacay Wargeyska dhinaca Mukhaabaraadka ee Intelligence Online.

 

Boliska Dowladda Federalka waxay kaloo taageero ka heli jireen Shirkadda Aktis Strategy Tan iyo bishii June ee sannadkii hore.

Shirkadaasi waxaa asaasay Alexander Martin.