FARMAAJO YARE (CABDIRAXIIM XUSEEN) OO U SHARAXAN GOLAHA DEEGAANKA HELSINKI FINLAND

Waxaa kunool dalkan Finland dad soomaaliyeed oo ah jaaliyadaha ku nool dalka Finland dadka uugu badan marka laga reebo jaaliiyada dalka ruushka oo daris la ah dalkan finland. Soomaalidu waxay dalkan u soo qaxeen horaantii dagaaladii sokeeye 1990 dhamaad kiisii. tirada soomaalida ee dalkan ku nool ayaa ah ku dhawaad 17600.oo isugu jira caruur iyo dhalinyaro iyo waayeelba.Dalka Finland waxa uu kuyaalaa cirifka waqooyi ee yurub waxa uu xad la leeyahay norwey,sweden iyo rushka. dadkiisu waa shan malyuun,waana dal uu aad ugu yaryahay ajinabigu guud ahaanba. soomaalidu waxay hada dagan tahay dalkaan mudo dhan 26 sanadood waxayna leeyihiin intooda badan shariciga dhalashada dalkaan finland.

CODKAAGA OO AAD DHIIBATO AYAA GUUL HORSEEDI KARA.

Waxaa nasiib daro ah in dalkan Finaland ay soomaalidu ku joogaan cadad badan hadana aysan dareen sanayn in ay xuquqdooda cod bixin isticmaalaan kuna soo saaraan dad matala oo difaaca sida aqoonyahan Cabdiraxiim(Husu) oo kale. dadka soomaaliyeed oo aysan ka ahayn xumaan iyo ujeedo kale midna ayaan ku baraarugsanayn badankoodu in ay isku difaaci karaan in ay cod kooda dhiibtaan oo codeeyaan madama wadamadan galbeedka aan lagu noolaan karin kutiirsanaan jaaliyadaada taasoo ah mid cod leh oo ka muuqata dalka hadaba soomaaliyeey hurdada halaga kaco oo aan xuquuqdeena u istaagno fahano in codku yahay waxa aan wax ku helo wax isaga dhicin karo si taaloo gaaro sawma haboona in aan u codayno walaalkeen Husu oo ah ninka kaliya ee soomaalidu isku raacday in uu bari ka yahay waxan dalkeenii baabi iyay ee jahliga ah Cabdiraxiim Huseen (Husu) umada soomaaliyeed waa isugu mid isku si buuna u difaacaa hadaba aynu gayno goobtii uu inaga difaaci lahaa oo ah in aan u codayno oo kaliya.

Jaaliyada soomaaliyeed ee finland way amaanan yihiin marka loo eego qurba joogta kale ee wadamada galbeedka waayo waa dad is jecel oo isku duuban balse waxa ka dhiman inay ku baraarugaan qiimaha ah inay codeeyaan ragna iyo gabdhaba ay ku darsadaan golaha dagaanka ee HELSINKI taasoo hada Cabdiraxiim u taagan yahay.waxaan aad iyo aad uugu kalsoonahay in Cabdiraxiim Husu si wayn uuga soobaxayo in uu soomaalida ka caawiyo dhanka difaaca xuquuqdooda,jihaynta dhalinta,shaqo siin iyo qoondaynta tacliinta sare ee ajaanibta lasiiyo sigaara.ilaalinta xuquuqda iyo xoriyada diineed iyo dhaqan iyo jinsiyad ee ay leeyihiin dadka soomaaliyeed,waxaan amaamin sanahay in uu yahay nin aad u fahmay dalkaan leh aqoon fiican iyo dhexgalbulsho isagoon ka tagin dhaqankiisa iyo diintiisa suuban hadana la shaqaynkara bulshadan oo luuqad garankaro waana shaqsiga maanta jaaliyada soomaaliyeed ay ubaahan tahay markaa waa in loo codeeyaa Cabdiraxiin Husu oo aan lookala harin sanadkaan waxaana u rajaynaynaa guul fadhiga ha laga kaco oo codka hala dhiibo si caruurtu inoogu bad baado sidaas ayaynu ku noqon karaa bulsho kamuuqata dalkaan finland.

Muhiimadu waa in codka la dhiibto.

Doorashada golaha deegaanka Magaalada Helsinki waxaa la qaban doonaa 29.3.2017ka ha loo diyaar garoobe codkuna ha aado mid uu helo walaalkeen  Cabdiraxiim HUSU mahadsanidiin.

Sanadka somaliya waxay heshay hogaamiye samatabixin kara waana ay doorteen waa madaxweyne farmaajo waxaa noo dhiman waa Farmaajo yare oo aan helnaa Cabdiraxiim  Xuseen  HUSU.