XOG-Beesha Caalamka Oo Shaqsi Caan ah U Sharaxday RW Soomaaliya.

Beesha Abgaal ayaa kamid ah beelaha hawiye ee loolanka xooggan ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyaga oo markaan soo sharaxday shaqsi aad u caan ah.

Beesha ayaa soo sharaxatay Cali Maxamed Geeddi oo mar dalka kasoo noqday Ra’iisul wasaare, waxaana middaasi ay keentay hadal hayn aad iyo aad u badan.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Geeddi uu isku diyaarinayo in xilkaasi loo magacaabo, walow siyaasiyiin badan ay dhankooda xilkaasi ka raadinayaan.

Habargidir, Abgaal iyo Murusade ayaa dhexda u kala xirtay sidii mid walbo ay ku heli lahayd xilka Ra’iisul wasaaraha, inkastoo Madaxweyne Farmaaajo uu arrintaasi aad uga fiirsanayo.