WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Soo Gaadhay Magaalada Boosaaaso ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 11 February 2017 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynha iyo weftigiisa ayaa waxaa  Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku soo dhoweeyey masuuliyiinta gobolka Bari, kan  Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay waajib ahayd in Dawladda Puntland ay qayb ka ahaato isbedelka Doorasho ee Soomaaliya, isla markaana ay ka qayb gasho, kor joogtaysana isbedelka doorasho ee Soomaaliya,

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shegay in isbedelka doorasho ee Soomaaliya uu yahay isbedelkii loo baahnaa isla mar’ahaantaana ay Puntland ku kalsoon tahay doorashada loo doortay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

‘’waxaan mudo todobaada ku maqnayn magaalada Muqdisho oo ay ay ka dhacaysey isbedelkii  doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya, Dawladda Puntland oo ka mida Dawladaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya waajib baynagu ahayd inaan tagno, ka qayb galo, korjoogtayno, isbedel kaas oo saamayn weyn dabcan ku yeelanaya itijaaha siyaasadeed ee Soomaaliya, markaa Puntland muhiim bay ahayd inay joogto oo ay ka qayb gasho.

 ‘’runtii isbedelka maanta ka dhacay Soomaaliya, waa isbedel khayr-qaba oo ay ku kalsoon yihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, doorashada Madaxwweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wanaag bay u tahay Puntland, Soomaaliyana guud ahaan waxaan filayaa sidaa soo kale’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wadashaqaynta Dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay, waxaana uu illahay uga baryyey inay noqoto tii Soomaaliya dib ugu usoo celisa sharafteedii, karaamadeedii iyo midnimadii Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey shacabka Puntland iyo Ummada Soomaaliyeed meel kastay joogaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland General. Cade Muuse Xirsi Boqor.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_9786 IMG_9790 IMG_9793 IMG_9796 IMG_9800 IMG_9801 IMG_9813 IMG_9815 IMG_9818 IMG_9847 IMG_9848 IMG_9852 IMG_9863 IMG_9877 IMG_9880 IMG_9890