(DEGDEG): Ciiddanka Milliteriga Ee DFS Oo Lagu Amray Inay Ka Wada Baxaan Magaalladda Muqdisho.

Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa amar ku siiyey dhamaan Ciiddanka XDS inay ka wada baxaan Muqdisho, kuna laabtaan Xerooyinka ay rigliga ku ahaayeen.

Taliyaha ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu si toos ah uga hadlayey Telefishinka Qaranka ee SNTV, wuxuuna sheegay in la joojiyo Rasaasta micno la’aanta loo ridayo.

“Rasaasta aad rideysaan waa Hanti Qaran, loona baahan yahay inaan si micno la’aan loo ridin” ayuu yiri Taliyaha oo ugu baaqay Ciiddanka inay dhowraan Ammaanka Guud.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Kumanaan Ciiddamo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka iyo Hubka Fudud soo buux dhaafiyeen gudaha Muqdisho, kadib, markii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo shalay loo doortay Xilkaasi.

Ciiddanka ayaa waxay iyagoo faraxsan kor u ridayaan Rasaasta Culus iyo kuwa Fudud. Iyagoo sheegaya inay ku faraxsan yihiin Doorashadda Madaxweyne Farmaajo.

Ma kala cadda inay Ciiddanka XDS  u dhega nuglaan doonaan Amarka Taliyaha Ciiddanka XDS iyo in kale.