Al-Shabaab oo toogatay afar nin oo lagu eedeeyey iney u basaasayeen sirdoonka Maraykanka

Maxkamadda Al-shabaab u qaabilsan gobolada Jubbooyinka ayaa xukun dil ah ku fulisay afar nin oo lagu eedeeyey iney Jawaasiis u ahaayeen dowladaha Mareykanka, Kenya iyo dowlada Somalia.

Fagaare ku yaalla degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa shalay gelinkii dmabe lagu dilay raggan oo sidoo kale lagu eedeeyey iney maleegayeen shirqoollo ka dhan ah Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Qaarkood waxaa Al-shabaab ay sheegeen iney ka dambeeyeen maleegidda shirqoollo lagu khaarijiyay saraakiil ka tirsan xarakada Al Shabaab, waxaana qaarkood ay toos ula shaqeynayeen CIA-da Mareykanka sida shabaabku sheegeen, waxayna magacyadoodu kala yihiin.

1-Siyaad Cali Cabdi oo 26 jir ah waxaa maxkamada Al-shabaab ay ku eedeysay inuu la shaqeynayay CIA-da Mareykanka, uuna ku lug lahaaday duqeymo dayuradaha Mareykanka ka geysteen degaanka Qoob Yaxaas ee gobolka Hiiraan iyo shirqoolidda saraakiil uu ka mid ahaa Sheekh Max’ed Dulyadeyn.

2-Axmed Ibraahiim oo 28 sana jir ah waxaa lagu eedeeyey inuu 6 sanadood oo xiriir ah u shaqeynayay dowladda Kenya.

3-Yuusuf Makaraan Max’med oo 58 sana jir ah waxaa isna lagu eedeeyey inuu wada shaqeyn toos ah la lahaa sirdoonka Mareykanka CIA isagoo u qaabilsanaa ciidameynta Jawaasiista.

4-Cabdullaahi Cumar Xasan oo 26 sana jir ah ayaa isna shabaabku sheegeen in lagu helay dambi ah inuu howlo basaasnimo u hayay sirdoonka dowlada Federaalka Soomaaliya

Mas’uuliyiin ka tirsan Al Shabaab ayaa ku goodiyay inay gacan adag kula dhaqmi doonaan dhammaan shaqsiyaadka ay ku helaan iney u basaasayen sirdoonka Somalia iyo kuwa shisheeye.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale marar badan xukuno toogasho ah ku fulisay dagaalyahano ka tirsanaa kooxdaas oo lagu eedeeyey basaasnimo