Tababarkii dhalinyarada Soomaaliyeed uga socday magaalada Dublin oo gabo-gabo maraya.

Tababarkii dhalinyarada Soomaaliyeed uga socday magaalada Dublin oo gabo-gabo maraya.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa casharada tababarka dhalinyarada waxaa garab socday inay soo bookhdeen meelo muhiin ah magaalada Dublin, sida National Museum-ka, Chester Beatty Library, Phoenix Park iyo meelo kale.

Sidoo kale waxaa goobta tababarka kusoo bookhday waxgarad, aqoonyahano iyo culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka ireland, iyadoo ay erayo kooban u soo jeediyeen dhaliyarada Sheikh Cabdirisaaq Daahir, Sheikh Bashiir Axmad iyo Muuse Tayyib oo kamid wax garadka Soomaaliyeed ee dalka Ireland, halka uu Eng Cabdi Sagal oo ah aqoonyahan kamida bulshada Soomaaliyeed ee Ireland uu la wadaagay Presentation uu kaga hadlay isna barbar dhigay fursadaha ka jira Dalka ireland iyo kuwa dalalka kale ee Yurub.

Maanta oo tababarku gabo gabo yahayna wuxuu tababrku ku bilowday bandhig ay bixinaysay ITB (Institute of Technology Blanchardstown) qaybta suuqgaynta jaamacadda ” Marketing Department ” kaasoo ay barayaal ka socda jaamacaddu usoo bandhigeen dhalinyarada fursadaha wax barasho iyo sida qofka European ka ahi uga faaiidaysan karo guud ahaan dalka Ireland iyo gaar ahaan jaamacadooda.

Tababarka ayaa soo xirmi doona maalinta barri ah, waxaana rajaynaynaa inuusan noqon kii ugu dambeeyay iA.

Image may contain: 2 people, people standing, sky, outdoor and nature
Image may contain: 5 people
Image may contain: 6 people, people standing, sky, grass, outdoor and nature
Image may contain: 4 people, people sitting
Image may contain: 4 people, people sitting and indoor