Ciidammada Sweden oo sannad loo kordhiyey joogista Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan eutm oo tababar siinaya askari ka tir-san ciidammada Soomaaliya. sawir: Sawirle: Maurizio Gambarini

Ammaan-darrada ka jirtay dalka Soomaaliya ayuu ciidan ka socda ururka Midowga Yurub ee loogu magac-darey (EUTM) uu sannadkii 2010 dalka Ugaandha ka bilaabay qorshe dib u dhis loogu sameeyn lahaa ciidammadii qalabka siday ee Soomaaliya.

Muddadii uu tababarkaasi socdeyna ay ka qeeyb galeen ciidan lagu qiyaasay 3 000 oo isugu jira askar iyo saraakiil. Laba sannadood dabadeed sannadkii 2013 ayaa howshii eutm loo soo raray Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Midkaasina oo howlihiisii ey weli ka socdaan.

Gaashaanlle sare Dennis Hedström  – Madaxa ciidammada EUTM:

-Waddammada Talyaaniga, Jarmalka, Bortaqiiska, Ispaanishka, Boqortooyada Ingiriiska, Finland, Sweden, Hungary, Ruumeeniya, Holand iyo Seerbiya ayey kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho ciidammo qayb ka ah qorshaha eutm, sida uu sheegay Dennis Hedström oo ka tir-san ciidammada dalka Sweden, isla-markaana haya kaalinta hoggaanka ciidammada EUTM ee exilligan mar aannu khadka telefoonka kula xiriirney.

Howl sahlan maaha in waddan burbursanaa muddo sidaa u dheer dib u dhis loogu sameeyo ciidammo ammaanka suga, hase yeeshee lagu taagan yahay dhabbadii goolkaa lagu gaari lahaa, Sidoo kale waxey ciidanka eutm muddadii lixda sannadood oo ey tababarka siinayeen ciidammada Soomaaliya gaareen guulo la taaban karo oo ey ka mid yihiin tababarka aasaasiga ee ciidammada iyo wada-shaqeeyntooda, sida uu sheegay gaashaanle sare Dennis Hedström.

Muddada ey ciidammadani howlahaa ku sugnaan doonaan ayuu hoggaanka ururka Midowga Yurub muddo muddo u cayimaa iyadoona markii shanaad muddo aan dheereyn horteed loo cusbooneeysiiyey howlahooda illaa iyo gabagabada sannadka 2018. Dennis Hedström iyo mar kale:

-Dhowaantan muddo yar ka hor intii aan la gelin ciiddii krismaska ayuu ururka Midowga Yurub go’aansaday in ciidanka eutm uu dalka ku sii sugnaado illaa iyo gabagabada sannadka 2018. Dalka Sweden wuxuu go’aamiyaa howl-sannadeed, ciidammadayaduna waxay ku sugnaan doonaan illaa iyo dhammaadka sannadka 2017, wixii ka dambeeya waxaa go’aan ka gaari doona in la sii kordhiyo iyo in kale maamulka dalka Sweden.

Su’aal la xiriirtay in ciidanka eutm gaareen ama ku taagan yihiin dhabbadii goolkii ay hiigsanayeen ayuu sidan uga jawaabay:

-Runtii waxay ku xiran tahay cidda aad weeydiiso, hase yeeshee waxay aniga ila tahay in aannu gaarney goolkii maadaama aannu ku hoowlannahey sidii aannu aqoon wanaag-san ee ciidameed u siin lahayn ciidammada qalabka sida ee soomaalida laga soo bilaabo aasaaska xirfadeed ee ciidan, xuquuqda bani’aadamka, sinnaanta, xirfadda la xiriirta waxyaabaha qarxa, sida loo wada shaqeeyo laga soo bilaabo horin ahaan illaa iyo gaas, dhabba sax ah ayaa lagu taagan yahay sidoo kale waxaa dhiman howlo badan. Balse kor ayaannu u soo qaadney awoodda ammaanka ee ciidanka. Waxay ila tahay in aannu goolkii laga lahaa gaarney, sida uu hadalka u dhigay.