BAARLAMAKA PUNTLAND OO BALAN QAADAY INAY QAYB MUHIIMA KA QAADANAYA ABAARAHA KA JIRA DALKA

Dhulka Puntland iyo guud ahaan dalka Somaliya waxaa ka jira abaaro daran oo sababay dhimashada xoolo badan oo isugu jira Geel, Ari iyo Lo, Halka dadkuna khatar u galeen inay u dhintaan Abaaraha ka dib markii xoolihii ay dhaqanayeen ay ka bakhtiyeen waxii soo harayna doon noqdeen.

Waxaa jiray gurmadyo kooban oo ka imaanayay bulshada Somaliyeed iyo Wasaaradaha dawlada kuwaasi oo Raashin iyo Biyo dhaamin loogu gurmanayay dadka Abaartu saamaysay.

Xildhibaan Maxamuud Faarax Warsame waxa uu ka mid yahay Baarlamanka Puntland waxuuna ka warbxiyay Xaalada abaareed ee ka jira Puntland iyo La Xisaabtanka Xukuumada,waxuuna sheegay inay baarlamaanka dhankooda ka wadaan dadaalka loogu jro dadka ay abaartu saamaysay.

Mudanahan oo la hadlay Radio Garowe ayaa wax laga waydiiyay lacag gaaraysa 1 Milyan oo ay balan qaaday xukuumada Puntland inay uga qayb qaadanayso abaaraha ka jira dalka ayuu shegay inuusan waxba kala socon lacagtaas balse ay ka war sugayaan xubanaha u qaabilsan dhanka abaaraha sida ay ku baxday lacagataas.

Marka laga yimaado lacagta ay ku deeqday xakuumada Puntland oo ilaa iyo hada aan lagaranayan inay gaartay dadkii loogu tala galay ayaa hadana muuqan qorshe kale oo ay ku dhaqaaqeen Maamulka Puntland, Balse wararku qaar ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Puntland Pro Cadbdiwali Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan degmada Qandala laguwado inuu booqdo deegaanadii ay dadku u hayaameen.