Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo Xildhibaanad Ilhan Cumar soo dhaweyn ugu sameeyay Muqdishu (SAWIRO)

Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa magaaladda Muqdishu caasimadda Dowladda Federalka ee Soomaaliya ku qaabilay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka mid noqotay golaha wakiillada Xisbiga Dimoquraadiga dalka Mareykanka Ilhaan Cumar oo dhawaan soo gaartay Muqdishu.

 

Kulanka oo ah mid qado-sharaf ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowlada Federalka ee Soomaaliya iyo weliba dowladda Puntland iyadda oo intaas ka dib Siyaasi Awaare ku soo dhaweeyay Ilhaan Cumar dalkeedii hooyo, waxa uuna sheeegay inuu aad ugu faraxsan yahay.

 

Dadka ka qeyb galay Munaasibadda soo dhaweynta ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Kaynaan oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte, Afhayeenka Dowladda Puntland Cabdullahii Jaamac Quraan Jecel, Xildhibaan Saadiq Warfaa oo si weyn looga yaqaanay Fagaarayaasha Doodaha ee gobalada Dalka Mareykanka, Agaasimihii hore Hay’ada Daryeelka Bulshada Puntland Maxamed Dayib Guure iyo weliba marti sharaf kale.

 

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed kana soo jeeda Goboladda Puntland ayaa ka tirsan Golaha Wakiilada Xisbiga Dimuqoraadiga dalka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota iyadda oo socdaalkeeda uu qeyb ka yahay booqasho ay ku kala bixin doonto magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Puntland oo ay ka mid tahay magaaladda Qardho oo uu ku degan yahay Aabbaheed iyo qoyska ay ka soo jeedo.

 

Dhinaca kalena, Ilhan Cumar ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay booqashadda ay ku soo gaartay Soomaaliya taasi oo u ah mid guul ah inay aragto dadkeeda oo mudo dheer ugu dambeysay.

 

ilhaan ilhaan2 ilhaan3 ilhaan4