AL-SHABAAB OO SOO BANDHIGAY QAAR KA MID AH ERGOOYINKII DOORASHADA

Ururka Al-shabaab ayaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku soo bandhigay 7 Oday oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Ergooyinkii Doorasha Aqalka hoose ee maamulka Galmudug.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Odayaashan ay ka qayb galeen Doorashadii Xildhibaanda Aqalka hoose ee lagu soo doortay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

Odayaash la soo bandhigay ayaa balan qaaday inaysan la shaqeynayn Maamulka Galmudug iyo Xildhibaanadii la soo doortay intaba, ayna ku khaldameen Doorashadaasi, islamarkaana waxay codsadeen cafis.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo goobta Odayaasha  lagu soo bandhigay ka hadlay ayaa isna sheegay mar hadii ay garawsadeen ka soo laabashada qaladkii ay galeen inay cafis yihiin.

Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay dilayaan cid kasta oo ka qayb qaadata Doorashooyinka xubnaha Aqalka hoose ee ka dhacay xarumaha maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya.

a1

a2

a3

a4

a5

a6

a8

a9

a10

a12