SAWIRO): Nin British oo isku dayey inuu dilo Donald Trump oo xukun lagu riday.

Misheel Istefen Sandford oo 20-jir ah ahna Nin caqli-dhiman ah ayaa lagu xukumay Xabsi 12-bilood, isagoo lagu soo oogay inuu bishii June isku dayey inuu dilo Donald Trump oo xilligaasi ahaa Musharax Madaxweyne.

Saraakiisha Boliska ayaa sheegay inuu Eedeysanahaasi qori ka boobay (dafay) Askar ilaalo ka ahaa Dibadbax ay Taageerayaasha Donald Trump ka dhigeen magaalladda Laas Fegas.

Qoyska Eedeysanaha ayaa u sheegay Wargeyska The Guardian inay ku hawlan yihiin Nidaamka Sharciga si Wiilkooda loogu soo celiyo Britain, loona daaweeyo.