Hoggaamiyayaasha Galbeedka Afrika oo ku wajahan dalka Gambia, si ay u qanciyaan Madaxweynaha laga guuleystay ee dalkaasi,

Ilo ku dhowdhow Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Senigal ayaa sheegay inay Madaxweynaha dalka Liberia, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Dalalka Galbeedka Afrika (EKOWAAS), Elen Johonsoon Sirleaf horkacayso Madaxweynaha dalalka Nigeria, Sierra Leone iyo Madaxweynaha xilka ka sii degayo ee dalka Ghana la kulmi doono Madaxweynaha dalka Gambia ee laga guuleystay, Yaxye Jaamac.

Madaxdaasi waxay ku boorin doonaan Yaxye Jaamac inuu ka dego xilka, kadib, markii looga guuleystay doorashadii dhacday isbuucii la soo dhaafay.

Madaxweynaha la-doortay ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa la filayaa inuu maanta soo dhaweeyo Hoggaamiyayaasha ECOWAS iyo wafdi ka socda QM ee booqan doona caasimadda dalkaasi ee Banjuul.

Dhinaca kale, Madaxweynaha laga guuleystay ee dalka Gambia, Yaxya Jaamac  waxa uu Talada dalkaasi ku qabsaday Afgembi Milliteri sannadkii 1994-kii, wuxuuna Afar jeer uu ku guuleystay Doorashada Madaxweynenimada,  inkastoo looga guuleystay Doorashadii dhacday isbuucii la soo dhaafay