Hawlgalka Midowga Europe ee Xoojinta Arrimaha Rayidka iyo Tababarka Ciiddanka Somalia oo Xilliga loo kordhiyey.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Golaha Midowga Europe ayaa lagu sheegay in Hawlgalladda Xoojinta Awoodda Rayidka iyo Tababaradda Ciiddanka ee ay EU-da ka wadaan gudaha Somalia xilli-hawleedkooda loogu kordhiyey muddo hal sanno ilaa laga gaarayo bisha December 31-da ee sannadkii 2018-ka.

Qoraalka waxaa lagu xusay in magaca Hawlgalkii Xoojinta Awoodda Rayidka ee EUCAP Nestor lagu bedelay Hawlgalka EUCAP Somalia, iyadoo Hawlgalkaasi oo la bilaabay bishii July ee sannadkii 2012-kii  loo abuuray sidii loo xoojin lahaa Awoodda Sharciga Rayidka ee Baddaha, La-dagaalanka Kalluumeysiga Sharcu-darradda iyo Burcad-baddeeda iyo sidii Maamulayaasha Somalia looga taageeri lahaa Sharciyadda lama huraanka iyo Xoojinta Tababarada iyo Qalabka.

Hawlgalkaasi waxaa madax looga dhigay Maria-Cristina Stepanescu oo u dhalatay dalka Romania.

Dhinaca kale, Hawlgalka EU-da ee Tababarka Ciiddanka  Dowladda Federalka ayaa lo oqoondeeyey miisaaniyad dhan 23 million oo EURO, iyadoo xilli-hawleedkiisu bilaabanayo bisha Janaayo 1-da ee sannadka soo socdo ilaa bisha December 31-da ee sannadka 2018-ka.

Hadafka Hawlgalkaasi ayaa ah sidii loo xoojin lahaa awoodda Ciiddan ee Dowladda Federalka iyo Hay’addaha Difaaca iyo Ammaanka ee Somalia.

Taliyaha Hawlgalkaasi EU Millitay Mission in Somalia ayaa loo soo magacaabay Jeneral Maurizio Morena oo u dhashay dalka Talyaaniga.