Sacuudiga oo joojiyay xoolaha nool ee looga keeno Somaliya

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay si ku meel gaar ihi u joojisay xoolihii nool ee kaga imaan jiray dhulka Somalida.

Qoraal ay Khamiistii soo saartay Wasaaradda Beeraha Sacuudiga, ayaa waxaa lagu sheegay in si ku meel gaar ihi lagu hakiyay dhammaanba soo dhoofsashada xoolaha Somalida.

Wasaaradda Beeraha, ayaa waxay qoraalkan u qaybisay dhammaanba dhinacyada ay khuseyso, inkastoo aan qoraalka lagu cadayn mudada ay ku egtahay hakinta xoolaha Somalida.

Nuux Daahir oo ka mid ah ganacsatada Somalida ee xoolaha nool geysa Boqortooyada Sacuudiga, ayaa wuxuu xaqiijiyay qaraarka uu Sacuudigu ku hakiyay xoolaha nool.

Nuux Daahir oo ku sugan Magaalada Jeddah, ayaa sababta loo hakiyay xoolaha ku sheegay, ka dib markii dhawr jeer uu Sacuudigu dib ugu celiyay Somaliya xoolaha, arrimo ku aadan caafimaadka xoolaha.

Dhinaca Kale, Danjiraha Dowladda Federaalka u fadhiya Dalka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay Dowladda Sacuudiga in ay si ku meel gaar ah u joojisay xoolihii Soomaaliya, kadib markii xanuuno kala duwan lagu arkay shixnad Lo’ ah oo Dalka Sacuudiga la geeyay.

Waxa uu sheegay amarkan ka soo baxay Dowladda Sacuudiga in lagu war geliyay xuduudaha iyo farumaha ay xooluhu ka soo geli jireen.

Danjire Geelle ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Dowladda Soomaaliya in lagu war geliyay arrinkan, gaar ahaan Wasaaradda xanaanada iyo xoolaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka reer guuraaga ah, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashana waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay’adaha Caalamiga ah ay baaqyo ka soo saareen.