Xildhibaanad Somali-Maraykan oo lagu tilmaamay Daacish, loona hanjabay.

Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanadii ugu horreysay ee Muslim ah ee  bishii November 8-dii ka mid noqotay Aqalka Wakiiladda ee Minnesota ayaa sheegtay inay walaac ka qaaday Hanjabaad uu u geystay Dareewal Taksiile ka dhex shaqeeya magaalladda Washingyon DC.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doortay Gobalka Minnesota waxay sheegtay inuu Dareewalkaasi iyada ugu yeeray Daacish, isla markaana uu ugu ku goodiyey inuu ka saari doono Xijaabka ay wadatay.

Ilhaan Cumar waxay barteeda Facebook-ga ku faahfaahisay Dhacdada ku saabsan Hanjabaadaasi.

Waxay tilmaamtay inuu Dareewalka Taksiga ugu yeeray iyada Daacish, kuna caayey erayo aan anshax lahayn.

Ilhan Cumar waxay sheegtay inay Gaariga Takiga raacday xilli ay ka soo baxday Shir ka socday Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka oo looga hadlayey sidii Isbedel loogu samayn lahaa Garsooraha falalka Dembiyadda.

Xildhibaanadda Somali-Maraykan wax faahfaahin ah kama bixinin arrimo ku saabsan Dareewalka aflagaadeeyey, una hanjabay.

Balse, waxay sheegtay inay sii kordhayaan  caddaawada ka dhanka ah Muslimiinta ku nool Maraykanka.

Dhinaca kale, Shaqaalaha iyada u ololeynayey waxay ka gaabsadaeen inay ka hadlaan dhacdadaan, marka ay Warbaahinta ka codsatay inay faahfaahin kale ka bixiyaan Dhacdadaasi.

Ilhan Cumar oo 33-jir ah waxay nololsheeda carruurnimo ku soo qaadatay Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Bisha Janaayo 3-da ee sannadka soo socda ayaa loo caleemo-saari doonaa Xafiiskeeda, iyadoo ku guuleystay Kursiga Aqalka Minnesota.

Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI waxay bishii hore sheegeen inay  67% kordheen Dembiyadda Nacaybka ee ka dhanka ah Muslimiinta, waana heerkii ugu sarreeyey, tan iyo wixii ka dambeeyey Qaraxyadii Daaraha Mataanaha ee Diyaaradaha lagu burburiyey bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha la-doortay ee Maraykanka, Donald Trump ayaa Ololka Islaam-nacaybka shaaciyey, kadib, markii uu ku goodiyey inuu Dadka Muslimiinta ka mamnuuci doono inay soo galaan gudaha dalka Maraykanka.

Nacaybkaasi ayuuna u adeegsaday Ololihiisa Doorashadda, wuxuuna Taageero kaga galay Kisrishtaanka Xag-jirka iyo Dembiilayaasha Maraykanka.