Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadda oo u yeeray Agaasime-xigeenka Madaxtooyadda si wax looga weydiiyo Kursiga Qoondada Haweenka ee uu qaatay.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda Dadban waxay u yeereen Agaasime-xigeenka Madaxtooyadda, Saaqad Macallim C/kariim iyo Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido, si loo dhegeysto Kursiga cabashada ka taagan yahay ee uu Saadaq Macallim C/kariim ka qaatay  Qoondada Haweenka.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Saadaq Macallim C/kariim wehliyeen qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Jufada Cali Gaaf iyo Wasiiru-dowlaha  Madaxtooyadda ee Xukuumadda Federalka ee uu xilligeeda dhamaaday, Mahad Maxamed Salaad.

Tallaabadda uu Mahad Maxamed Salaad ugu garbinayo Saadaq Macallim C/kariim ayaa muujinaysa Faragelinta qaawan ee ay Madaxtooyadda ku hayaan muranka Kursiga uu Saadaq Macallim C/kariim qaatay oo ah Kursiga Qoondada Haweenka ee Jufada Cali Gaaf ka heleen saami-qeybsiga ay horey isugu af-garteen Jufooyinka Beesha Wacaysle, isla markaana uu Suldaan Maxamed Cabdi Shido saxiixay.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda oo aan ku hayb ahayn Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim ayaa caddayn buuxda u ah Faragelinta ay Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Jufadda Absuge Wacayle horey uga digeen Faragelinta lagu hayo Kursiga Qoondada Haweenka ee la boobay.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda, Mahad SMaxamed alaad ayaa waxaa uu ka mid yahay Musharixiinta ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia ku eedeysay inay musuqmaaqsaq iyo Ku-takrifal ka muujiyeen Doorashaddii Aqalka Hoose ee ka dhacday caasimadda KMG ee Maamulka Galmudug ee Cadaado.

Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inay u codeeyeen Ergo been abuur ahaa oo isugu jirtay Shaqaalihiisa, Ilaaladiisa iyo xubno ka tirsan Beeshiisa, iyadoo Ergadii Rasmiga ahayd loo diiday inay codeeyaan.

Si kastaba ha ahaatee,  waan idiin soo gudbin doonaa Natiijadda ka soo baxda dhegeysiga Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadda ee dacwadda ka dhanka ah Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim ee horey u boobay Kursiga Qoondada Haweenka ee Jufada Cali-gaaf kaga soo aaday Qoondada Haweenka ee xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.