CIIDAMADA PUNTLAND OO DIB ULA WAREEGAY DEGMADA QANDALA

Ciidamada Puntland ayaa gudaha u galay degmada Qandala ee Gobalka Bari, markii ay halkaas isaga baxeen maleeshiyaadkii 26-kii October la wareegay Magaaladaas.

Wararka ka imaanaya degaankaas ayaa sheegaya inay Ciidamadu Badda iyo dhulkaba ka galeen Magaalada, waxaana degaankaas loo ka xeeyey qaar kamida Warbaahinta si loogu so bandhigo natiijada hawlgalkii 5-tii maalmood ee u danbeeyey ka socday degaanka Qandala.

Lama oga halka ay u baxsadeen maleeshiyaadka sheegtay Daacish ee uu hogaaminaayo wadaadka Mayalka adag ee lagu magacaabo Cabdiqaadir Muumin, Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo hogaaminaaya hawlgalka xoraynta Qandala ayaa ku hanjabay inay xididka usiibi doonaan kooxdaas, ayna uga dabategi doonaan meel kasta oo ay Puntland ka galaan.

Mid kamida Saraakiisha ka qayb qaatay hawlgalkan ayaa Puntland Post u sheegay inay Malasheeiyaadkaas ka dileen rag fara badan, ayna gaarsiiyeen jab aad u weyn walow dhanka kooxda Puntland kasoo hor jeeda wax wara laga helin.

Puntland ayaa leh taariikh dheer oo ku aadan la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta xagjirka, sanadihii 1992,2006,2010,2016 ayey Puntland dagaalo adag la gashay kooxo kala magaca balse isku hadafa.