Canshuur-bixiyayaasha Britain oo ka walaacsan Dhaqaalaha la siiyo Somalia inay xadaan Daacish ama si qaldan loo adeegsado.

Sida  lagu soo daabacay Wargeyska The Mail on Sunday ee ka soo baxa London waxa walaac xooggan laga muujinayaa Kaalmo Lacageed oo dhan 568 million ee Pound oo loo soo diray Dowladda Somalia, taasi oo khatar ugu jirto in loo wareejiyo Kooxda Daacish iyo Xarakadda Alshabaab, waa sida uu Wargeysku qoray.

Wargeyska oo loo soo dusiyey  Warbixin qarsoodi ah oo ka kooban 41-Bog ayaa lagu muujiyey inay Dowladda Britain  Kaalmo dhaqaale u gudbisay Somalia, taasi oo dhan in ka badan  Nus Billion oo Pound.

dfidWargeyska The Mail on Sunday waxa uu xusay in Dhacdadan La-yaabka lagu soo qoray Qorshaha Ganacsi ee ay diyaarisay Waaxda Britain ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga  (The UK’s Department for International Development (DFID), isla markaana lagu soo bandhigay Istaraatijiyadda  ilaa sannadka 2020-ka.

Faahfaahinta ooh al-ku-dheg looga dhigay “Diiwaan gelinta Khatarta”  ayaa lagu xusay in Maalgelinta Lacagaha Canshuur-bixiyayaasha Britain si qaldan loo isticmaalay ama loo gudbiyo Kooxaha Dembiilayaasha.

Warbixinta  ayaa lagu muujiyey in laga yaabo inay xiisadda Ku-takrifalka  Lacageed sii korodho 6-da ilaa 12-ka bilood, iyado ay foodda nagu soo hayso Doorashadad Somalia.

Xaalladda ayaa haatan taagan meel casaan ag, iyadoo aysan La-taliyayaasha awood u lahayn inay soo kormeeraan qaabka loo isticmaalo Deeqaha la siiyo Somalia sababo la xiriira Ammaan-xumida ka jirta Deegaanadaasi.

Warbixinta Wargeyska The Mail on Sunday ku soo bandhigay in Kaalmadda Lacageed ee la siiyo Somalia la musuqmaas ayaa imaanayso xilli Warbixin ay QM soo saartay laga digay Xadgudubyadda Nidaamsan ee Heerka sare oo ay Saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia  hubka ugu gudbiyaan Kooxaha Hubeysan ee ka hawlgala gudaha Somalia.

Xigasho: The Mail On Sunday