Somalia oo ka mid noqotay 13-ka Waddan ee ugu khatarta badan Caalamka.

Qiimeyn ay soo saartay Hay’adda La-talinta Khataraha ee Verisk Maplecroft ayaa lagu muujiyey khataraha sare ee ka jira dalalka ugu khatarta badan Caalamka.

Hay’adda waxay walaac ka muujisay sida ay u sii kordhayaan Falal Dembiyeedyadda ay ka midka yihiin Tahriibinta Daroogadda, Afduubka, dhaca iyo Dhaqdhaqaaqyadda kale ee horseeda Colaadaha.

Warbixinta ayaa lagu tilmaamay inay dalalka ugu khatarta badan ku kala yaallaan Bariga Dhexe, Afrika iyo Latin America, halkaasi oo ay ka jiraan Horumarin aad u yar iyo Nidaam Siyaasadeed oo aad u abuura Colaadaha.

Hay’adda Verisk Maplecroft waxay tilmaamtay 13 Waddan oo ay ka jiraan Khatar Xagjir rr dhinaca Dembiyadda.

Dalalka qiimeyntaasi lagu xusay ayaa waxay u kala horreeyaan sidatan:

  1. Afghanistan
  2. Guatemala
  3. Mexico
  4. Iraq
  5. Syria
  6. Honduras
  7. Venezuela
  8. El Salvador
  9. Somalia
  10. Pakistan
  11. Libya
  12. Colombia
  13. Nigeria

Dhinaca kale, Qiimeyn ay soo saartay Hay’adda La-talinta Khataraha ee Verisk Maplecroft ayaa lagu muujiyey inay Soimalia ka mid tahay Dalalka ugu Deganaansho La’aanta badan Caalamka, iyadoo qiimeynta qaarkoodna Somalia ku tilmaamtay Dal