Raggii Maraykanka ee qarxin lahaa Masjid iyo Dhismo ay dad Soomaali deggan yihiin oo la shaaciyey xilliga la soo maxkamadayn doono.

 

Garsoore Eric Melgren oo ka tirsan Maxkamadda Ferderalka ee magaalladda Wichita ayaa sheegay in bisha April 25-da ee sannadka soo socda la soo maxkmaadayn doono 3-da Eedeysane ee maleegayey inay bishii hore ee November 9-da qarxiyaan Masjid iyo Dhismo ay deggan yihiin 120 qof oo Somali ah oo ku yaalla Degmadda yar ee Gardan City.

Dacwadoogayaasha ayaa sheegay in Eedeysanayaasha oo  lagu kala magacaabo Patrick Stein oo 47 jir ah,Gavin Wright oo 51 jir ah iyo Curtis Allen oo 41 jir ah lagu helay inay  gaari Xamuul oo qaraxyo lagu soo raray ku qarxiyaan Dhismo Weyn oo ay 120 Soomaali ah deggan yihiin oo ku taalla Degmadda Garden City.

Qeyb ka mid ah Dhismahaasi ayaa ah Masjid ay Muslimiinta ku cibaadaystaan.

Eedeysanayaasha waxay sheegeen inaysan gelin Dembiga loo haysto ee ahaa inay adeegsan lahaayeen Hub si xoogan wax loogu gumaadi karo.

Dhegeysiga Kiiskan ayaa la filayey inay bilaabanto bishan December 20-da, balse, Qareenadda Eedeysanayaasha ayaa codsaday in la siiyo Waqti dheer si ay ugu diyaar garoobaan Iska difaacida Dacwaddaasi.