Nin Somali xanuunsan oo laga soo masaafurin lahaa Kanada oo la dhigay Isbitaal.

C/kariim Geelle oo dhimirka ka xanuunsan ayaa loo gudbiyey Isbitaalka Alberta Hospital, kadib, markii uu muddo 10 bilood xukun la’aan loogu hayey Xarun ay leedahay Waaxda Socdaalka ee dalkaasi.

Hooyadiisa Asiili ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay wiilkeeda ku booqato Isbitaalka, waxayna u mahadcelisay Dadkii u doodayey Wiilkeeda.

Hooyadda waxay tilmaamtay inay yara nafistay, balse ay ka walaacsan tahay in loo gudbiyo Isbitaal kale oo ku yaalla magaalladda Quebec.

Qareenadda u doodayey Abdikarim Gelle waxay Maamulayaasha ku booriyey in hubaal laga dhigo si uu u helo baahida caafimaadka ee xanuunkiisa Dhimirka.

Xabiibo Cabdulle oo ah Qareenka Ninkaasi ayaa sheegtay inuu War wanaagsan yahay in laga soo saaray Xabsiga, waxayna intaasi raacisay inay muhiim tahay inuu joogo meel kontorool leh oo lagu siinayo Taageeradda uu u baahan yahay ee dhinaca caafimaadka

Abdikarim Gelle oo 31 jir ah ayaa la xiray, kadib, markii uu soo dhamaystay Xukunkiisii ugu dambeeyey, waxayna Maamulayaasha Federalka Kanada garwaaqsan yihiin in haddii la sii daayo uu khatar ku yahay Bulshadda.

Waxa horey loogu diiwaan geliyey Dembiilenimo inuu hub gaystay, kufsi iyo inuu dhibaateeyey Sarkaal.

Dhinaca kale, Qorshihii ay Dowladda Kanada ku  soo masaafurin lahaayeen Dhibanahaasi ayaa weli taagan, inkastoo ay Saraakiishu sheegeen inay dhibaato kala kulmaan iyadoo  Dowladda Federalka Somalia diiday in dadka Dhimirka ka xanuunsan la soo masaafuriyo.

Saraakiisha Socdaalka ee dalka Kanada ayaa ka gaabsaday  haddii masaafurinta laga noqon doono, haddii ay  Xaalladiisa Caafimaad soo hagaagto, balse waxay rajeynayaan inay Abdikarim Gelle u masaafurin doonaan Somalia.