Chine oo Kenya ka taageereysa Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Nairobi (Sh M Network)—Dowladda Chine ayaa ka taageereysa Dowladda Kenya Dagaalka ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo mararka qaarkood weeraro xoogan ka fulisa qeybo ka mid ah Dalkaasi.

Safiirka Dowladda Chine, Liu Xianfa ayaa waxuu sheegay in loo baahan yahay in labada Dowladood ay xooga saaraan sidii loo wiiqi la haa Xoogaga Al Shabaab.

Dowladda China ayaa inta badan taageero kala duwan siiya Ciidamada Xooga Dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkood howlgallo ka wada qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa waxuu xusay in Gaadiid kala duwan ay ugu deeqeen Dowladda Kenya, waxaana deeqdan ay qeyb ka tahay taageerida Dowladda China ay la garab taagan tahay Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa inta badan ka dhaca Weeraro u badan gaadmo, kuwaasi oo ka dhasha khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona xusid mudan in Weeraradaasi ay dhabarka u ritaan Al Shabaab