Maxkamad ku taalla Maraykanka oo xukunka ka qafiifisay Nin Somali lala xiriirinayo Daacish.

Xamsa Maxamed oo dhawaan lagu xukumay xabsi 15-sanno ah ayaa waxaa shalay mar kale la hor-keenay Maxkamadda Minnesota, iyadoo dib loo eego xukunkii horey loogu riday.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka Maraykanka ayaa sheegay in Eedeysanaha xukunkiisa lagu soo koobay Xabsi 10-sanno oo ay wehlinayso ilaalo lagu haynayo muddo 20-sanno ah.

Xamsa Maxamed oo 21-jir ah waxaa bilowgii bishan lagu riday Xabsi 15-sanno ah, kadib, markii lagu helay inay taageero Qalab u gudbin lahaa Kooxda Daacish iyo inuu is-daba mariyey Taageero Lacageed oo la siiyey.

Eedeysanaha waxa uu ka mid ahaa 6 dhallinyaro Soomaali oo  deggan Gobalka Minnesota, kuwaasi oo qirtay Dembiyadda lagu soo oogay, markii lala galay Wada-xaajood cafis ahaa