Maraykanka oo aan helin caddaymo muujinaya inuu xiriir ka dhexeeyey Ardaygii dadka dooxay iyo Kooxda Daacish.

Xoghayaha Ammaanka Gudaha ee dalkaasi, Jeh Johnson ayaa sheegay inaysan Baarayaasha helin caddaymo muujinaya inuu C/risaaq Cali Cartan xiriir toos ah la lahaa Kooxaha Argagixisadda.

Wakiilka Gaarka ee Hay’adda FBI-da, Angela Byers ayaa isagana sheegay in laga yaabo Cartan inuu ayidsanaa Aragti uu ka tegay Anwar Al-cawlaki oo ahaa Muwaadin Maraykan ka tirsanaa Ururka Alqaacida, kaasi oo ku geeriyooday duqeyn ka dhacday dalka Yemen sannadkii 2011-kii.

homeland-securitySaraakiishaasi ma caddaynin in weerarka uu geystay C/risaaq Cali Cartan  uu ahaa Weerar Argagixiso, inkastoo ay Kooxda Dacaish sheegteen inuu Ninkaasi ka tirsanaa Daacish, isla markaana uu fuliyey weerarkaasi oo lagu soo amray.

C/risaaq Cali Cartan waxa uu Isniintii la soo dhaafay qaaday weerar gaari iyo tooreey oo uu ku dhaawacay 11 qof oo ku sugnaa Kambaska Jamaacadda Ohio State University ee magaalladda Columbus, ka hor inta aan isaga la dilin.

C/risaaq Cali Cartan iyo Qoyskiisa waxay Maraykanka tageen sannadkii 2014-kii, iyagoo horey ugu  noolaa dalka Pakistan.