Somali Maraykan lagu qabtay Aqoonsiyo iyo Kaararka Lacagta ee la been abuuray oo la xukumay.

Maxkamadda magaalladda Columbus ee Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay 2 nin oo asalkoodu Somali yahay, kuwaasi oo la xiray muddo haatan laga joogo ku-dhawaad hal sanno.

Eedeysanayaasha la soo maxkamadeeyey ayaa lagu kala magacaabaa Jibriil C/salaam oo 24 jir ah oo deggan Seattle  iyo Zakariya Cumar Warsame oo 26-jir ah.

Eedeysanaha Koowaad waxaa lagu helay  inuu Kaararka la been abuuray kula bixi jirey Lacagaha yaalla Bangiyadda Automikada ah ee  loo adeegsado Kaararka.

Jibriil C/salaam waxaa lagu xukumay xabsi 9 bilood ah.

Eedeysanaha kale ee Zakariya Omar Warsame oo deggan magaalladda Columbus waxaa isaga lagu xukamay xabsi kooban oo 60-maalmood ah.

Raggan la xukumay waxay qeyb ka ahaayeen 5 nin oo Somali ah, kuwaasi oo lagu soo oogay dhowr dembi, waxaana bishii November ee sannadkii hore lagu qabtay  Bar ay Taraafikada gaadiidka ku joojiyaan oo ku taalla Ohip Trunpike.

Gaarigii ay la socdeen waxaa laga dhex helay Laptop, Kararka Lacagaha lagula baxo iyo Lacag caddaan ah.

visa-cards