MAAMULKA GOBOLKA BARI OO RAALI GALIN KA BIXIYAY XARIGA MID KA MID AH ISSIMADA

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa maanta raali gelin buuxda ka bixiyay xarig loo gaystay Suldaan Yuusuf Axmed Saalax oo kamid ah salaadiinta Gobolka Bari, ka dib markii qaar ka mid ah Hay,addaha Amniga Puntland u xireen arrimo la xiriirta inuu dhaqaale u aruurinayay kooxda Daacish oo ku dhuumaalaysata deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Gudoomiye Dhedo ayaa shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtay Bosaso ku sheegay inay been abuur ahaayeen eedeymaha lagu xiray Suldaanka, wuxuuna qiray in loo soo gudbiyay hay’addaha amniga warbixin qaldan oo ku saabsan inuu lacago Suldaanku ku taageeray kooxo uu ku tilmaamay Argagixisada ku dhuumaalaysata deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka bari ayaa sheegay in baaritaan iyo dabal ay ku samayn doonaan ciddii usoo gudbisay hay,addaha Amniga xogtaan khaldan , wuxuuna intaas ku daray in madal weyn oo loo dhan yahay ay ku raali galin doonaan Suldaan Yuusuf Axmed Saalax.

Qaar ka mid ah Issimadda Gobolka Bari oo ka hadlay shirka jaraa,iid ee uu maanta qabtay Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa soo dhaweeyay raali galinta uu bixiyay maamulka Gobolku, Waxayna sheegeen inay banaan tahay in la is tuhmi karo, laakiin ay aakhirka isugu biyo shubanayso qofku wuxuu yahay xaqiiqada iyo runta