(WARBIXIN): Dowladda Imaaraadka oo ka soo horjeeda inay Siyaasiyiinta Ikhwaanul-muslimiinka xubno ka noqdaan Barlamaanka Somalia.

Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Galmudug, Puntland, Jubbaland, K/Galbeed iyo HirShabelle ayaa maalmahan booqasho ku joogay magaalladda Dubai, iyagoo Dowladda Imaaraadka Carabta ka helay Casuumaad Wadajir ah.

ambassador-mohammed-ahmedDanjiraha Imaaraadka u jooga Somalia, Ambassador Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa galangal xooggan ugu jira sidii ay Dowladisia saamayn ugu dhex yeelan lahayd Siyaasadda Somalia, Doorashadda soo socoto  iyo inay Isbahaysi ka dhex samaystaan Dowladda Qaranka iyo Maamul-gobaleedyadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Imaaraadka Carabta Loolan ku jirto Dowladda Turkiga oo ka mid ah Dowladaha Taageeradda ugu badan siiya Dowladda Federalka, gaar ahaan dhinacyadda Maaliyadda, Siyaasadda, Ammaanka, Tababarka Ciiddamadda iyo Adeegyadda kale ee Horumarinta Bulshadda.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u aragta inay ka mid noqoto Dowladaha saamaynta ugu ballaaran ku dhex leh Siyaasadda Somalia, gaar ahaan Xilligan Kala-guurka Siyaasadda.

Danjiraha Imaaraadka u jooga Somalia, Ambassador Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi  ayaa la hadal-hayaa inuu kordhiyey dadaalka uu ku kasbanayo Siyaasiyiinta miisaanka ku dhex leh Siyaasadda Somalia, wuxuuna muhiimad siinayaa inuu kasbado Taageeradda Madaxda Maamul-gobaleedyadda iyo qaar ka mid ah Musharixiinta u taagan Madaxtinimadda Somalia.

Guux Siyasaadeed culayskiisa leh ayaana laga muujinaya Diplomaasigaasi oo horey culayska ugu badan saari jirey Arrimaha Samafalka iyo Tababarka Milliteriga Dowladda Somalia, balse waxa uu dhowrkii bilood ee ugu dambaysay la soo baxay Dardar Siyaasadeed, wuxuuna ku dhex milmay Arrimaha Gudaha ee u gaarka Soomaalida.

Kulankii  Dowladda Imaaraadka ay maalmihii la soo dhaafay la yeesheen Madaxda Maamul-gobaleedyadda ayaa ahaa kuwo Xasaasi ah, inkastoo la hadal-hayey in Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug lagu dhexdhexaadinayey, si loo joojiyo Dagaalkii Gaalkacyo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegayo inay Dowladda Imaaraadka u ololeynayso dhowr Musharax,  si uu midkooda u noqdo Madaxweynaha soo socda ee Somalia.

Dowladda Imaaraadka waxay horey kharaj badan ugu bixisay sidii loo kala dhantaali lahaa Ikhwaanul-muslimiinka Masar ee awooday inay Talada dalkaasi kula wareegaan Kacdoon Shacbi oo la maalgeliyey.

Tallaabadii uu Jeneral C/fataax Al-sisi xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi kuma imaanin si fudud, balse waxa uu ku yimid Walaaca ay Dowladaha Gobalka iyo kuwa Reer Galbeedka ka muujiyeen inay Hoggaanka Ikhwaanul-muslimiinka la wareegaan Talada dalkaasi.

Dowladda Imaaaradka waxay kaloo culays mug leh saartay inay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda isla gaaraan Heshiis Hoosaad, oo looga hortagayo in xubnaha Siyaasiyiinta taabacsan Urur-diimeedka Ikhwaanul-muslimiinka ka mid noqdaan Xildhibaanadda Barlamaanka cusub ee Somalia.

Ilo-wareedyo ayaa sheegayo inay Dowladda Imaaraadka ka walaacsan tahay inay Siyaasiyiinta Ikhwaanul-muslimiinka kuraas badan ka helaan Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda ee Somalia iyo inay Hoggaan Sare ka qabtaan Talada Somalia.

Dowladda Imaaraadka waxay ka baqanayaan inay Siyaasiyiinta Ikhwaanul-muslimiinka ku xoogeystaan Siyaasadda Somalia iyo inay Doorashadda kula wareegaan Talada dalka Somalia oo ay Siyaasiyiinta Al-sheekh iyo Damu Jadiid majaraha u soo hayeen 10-kii sanno ee ugu dambeeyey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka waqtigiisu dhamaaday ayaa ka shanqariyey Walaaca noocaasi iyo saamaynta ay Siyaasiyiintaasi ku yeelan karaan Maamulka dalka.

Waxaana la sheegaa in Siyaasiyiinta Ikhwaanu-muslimiinka 20% ka ahaayeen Tiradda Guud ee Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka.

Siyaasiyiinta kale ee ku abtirsada Al-sheekh iyo Dam-jadiid ayaa iyagana miisaanka ku dhex leh Barlamaanka, kuwaasi oo iyaguna Istaraatijiyad Dahsoon mustaqbalka ka leh Hannaanka Hoggaaminta Dalka.

Firfircoonida Ikhwaanul-muslimiinta, Ala-sheekh iyo Dam-jadiid ayaa si muuqata loo dareemi karaa, iyadoo Siyaasiyiinta ku soo baxday Xildhibaanadda Aqalka Sare ee ay Maamul-gobaleedyadda soo gudbiyeen la dhihi karo waxaa ku badan Siyaasiyiinta Kooxda Ala-sheekh.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Siyaasiyiinta ku tiirsan Ikhwaanu-muslimiinka iyo Ala-sheekh galaangal xooggan ku leeyihiin gudaha Mujatamaca, isla markaana ay leeyihiin Hay’ado Ganacsi, kuwo Warbaahineed, Macaahid iyo Jaamacado .

Waxaana markhaati ma-doonto ah inay Ururadaasi maalgelin iyo shaqo siiyaan dadka aaminsan Afkaartooda Siyaasadeed, si ay dadka kale ugu khasbanaadaan inay ku soo biiraan Urur-diimeedyadda Siyaasadeysan.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda ay Dowladda Imaaaradka ku muujisay inaysan Siyaasiyiinta Urur-diimeedka Ikhwaanul-muslimiinka ku dhex milmin Barlamaanka Somalia ayaan ahayn mid ku kooban  Imaaraadka oo keliya.

Balse waxaa jira Dowlado iyo Hay’addo saamayn toos ah ku leh Doorashadda Somalia, kana biyo diidan inay Siyaasiyiinta Urur-diimeedyadda saamayn ku yeeshaan Hannaanka Dowladnimo iyo Mustaqbalka Somalia.