Rag Somali oo ku nool Britain oo Xabsi ku muteystay gabdho yaryar oo ay ku xad-gudbeen.

Rag Somali oo ku nool Britain oo Xabsi ku muteystay gabdho yaryar oo ay ku xad-gudbeen.

Maxkamadda magaalladda Bristol ee dalka Britain ayaa la soo taagay 3 nin oo Somali ah, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ku xad-gudbeen gabdho yaryar oo aan weli qaan-gaarin.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Shabakad isku xiran oo la sheegay inay geysteen Xad-gudubyo, Kufsi iyo inay tahriibiyaan gabdhaha yaryar.

Eedeysanayaasha oo magacyadooda lagu kala sheegay Zakariya Sheekh oo 23-jir ah, Mohamed Dahir oo 24-jir ah iyo C/rashiid C/llaahi oo 23-jir ah ayaa lagu soo oogay 14 fal-dembiyeed oo ay ku xad-gudbeen 4 gabdhooda oo da’dooda ka hooseyso 14 jir.

Garsooraha Maxkamadda Bristol, Peter Blair ayaa ku dhawaaqay Xukunadda lagu kala riday.

Sakariya Hassan Sheikh AKA Zak, 23Eedeysane Zakariya Sheikh waxaa lagu xukumay Xabsi 16-sanno.

Mohammed Ismail Dahir AKA Kamal, 24Mohamed Dahir iyo C/rashiid C/llaahi waxaa midkiiba lagu xukumay min 8 sanno.

Abdirashid AbdulahiDhegeysiga Dacwadaasi ayaa la sheegay inay socotay muddo 49 maalmood.

Dacwadaasi ayaa timid, kadib, markii la qaaday Hawlgal baaritaan oo loogu magac daray Operation Botton, waana markii saddexaad oo rag Soomaali ah lagu helo Falal Kufsi iyo Daroogo.