Nin Somali-Maraykan oo dib loogu soo celiyey Muqdisho.

Axmed Naasir Tahliil Maxamuud oo 41-jir ah ayaa waxaa shalay laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, kadib, markii laga soo masaafuriyey Maraykanka.

Labo Sarkaal oo ka tirsan Waaxda  Socdaalka Maraykanka iyo Canshuuraha ayaa la socotay Ninkaasi, oo ay ku wareejiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Somalia.

Hadal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Axmed Naasir Tahliil Maxamuud soo saareen Diyaarad Rakaab oo ku soo jeeday Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kadibna waxaa loo soo duuliyey magaalladda Muqdisho.

Ninkaasi oo Dareewal Taksiile ka ahaa Maraykanka ayaa la sheegay inuu horey u soo dhamaystay  Xabsi 6 sanno ah sida ay qoreen Warbaahinta Maraykanka.

Ninkaasi ayaa  la sheegay in  sannadkii 2008-dii lagu soo oogay inuu Taageero Dhaqaale u diray Xarakadda Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Xogta Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka ayaa muujisay in Axmed Naasir Tahliil Maxamuud uu Deganaanshaha Joogtadda ee Maraykanka qaatay bishii August ee sannadkii 2004-tii.

Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka weli kama hadlin arrinta Ninka Somali-Maraykanka ee la sheegay in Maraykanka laga soo masaafuriyey