FBI-da Mareykanka oo ku dhagan Hillary Clinton xili ay 10 maalin kaliya doorashada ka harsantahay , waa maxay sababta

haweeneyda u taagan musharaxa xilka madaxweynaha dalkaasi ee Hillary Clinton ayaa waxa soo wajahday caqabo waaweyn oo kaga yimid dhanka hey’da baaritaanada dambiyada ee dalkaasi ee FBI loo yaqaan ayagoo ku qabsaday Hillary arrinta email -o sir ahaa oo laga helay Hillary xiligii ay aheyd wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi , emaila-daasi oo ay ka dirtay cinwaankeeda qaaska ah deetana sir badani oo wadanka lahaa laga xaday Hillary kuwaasoo lagu soo daabacay bogga Wikileaks ee caanka ah ee faafiya siraha Mareykanka.
Hillary ayaa markii  ay FBI du shalay sheegtay inay kala xisaabtamayaan waxey durbaba jawaab ka baxisay iyadoo madaxa FBI James Comey ka codsatay inuu caddeeyn buuxda la yimaado uuna miiska soo saaro waxii dambi ah ay leedahay.
Clinton ayaa waxey Trump oo isna la tartamayo kula jirtaa tartan adag oo waxaaba dooashada oo haatan sii bilaabatay la filayaa in lagu dhawaaqo 8 da bisha November.