AKHRISO+XOG MUHIIM AH: Puntlandtimes oo Heshay Qodobada la hordhigay Hogaamiyaasha Soomaalida ee ku shirsan dalka Imaaraatka.

saxafada  ayaa ogaaday in uu soo dhamaaday  shirkii ay dawladdaha Imaaraatka Carabta & Mareykanku iskugu yeereen Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida, gaar ahaana Madaxda dawlad gobaleedyada Baydhabo, Garoowe, Kismaayo, Cadaado & Jowhar, kuwaas oo saameyn ku leh doorashada lafilayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Qodobo xasaasi ah ayay soo bandhigeen labadan dawladood, waxayna si cad ugu sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin uu markale soo baxo Madaxweynaha hadda waqtigu ka dhamaaday ee dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hogaamiyaasha ayaa si cad loogu sheegay in ay Beesha Caalamku iyo daneeyaasha Siyaasadu la socdaan arrimaha ka dhex socda caasumadaha dawlad gobaleedyada ee la xariirta Iibsiga Xildhibaanada Ergada dooranaysa oo goor horeba la ogaaday lacago la baxshay.

Si cad ayaa loo sheegay in duulimaadyo lacageed la geeyey caasumadaha qaarkood, ayna doonayaan in si rasmi ah labo uun mid la qeexo in lagu cadeeyo Heshiis cusub in uusan xilkan isku soo taagi karin Xassan Sheekh Maxamuud & In aan lasoo dooran shaqsiyaadka taageersan ee caasumadaha dawlad gobaleedyada ka soo galaya Aqalka Hoose & Sareba.

Madaxweynayaasha dawlad gobaleedyada qaarkood oo aysan isku wanaagsaneyn Madaxweynaha Muqdisho ayaa soo dhaweeyey talaabadan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in Soomaaliya uu ka dhaco Isbedel mug-weyn oo ay lagama maarmaan tahay in la hirgaliyo.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Shirka ka socday magaalada Dubia ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta ayaa si rasmi ah ugu sheegay Punlandtimes.com in ay jireen arrimo kale oo laga wada hadlay oo ay ka mid yihiin arrimaha Somaliland, laakiin aan waxba heshiis ah laga gaarin oo ay noqotay mid ay diideen dawlad gobaleedyada qaarkood.

Ilo wareedyadan waxay u sheegeen Warsidaha in ay jiraan shaqsiyaad la hadal hayo in ay yihiin kuwa ay wataan dawladaha Caalamka, gaar ahaana Madax hadda katirsan dawladda faderaalka musharaxiin u ah Xilka Madaxweyne-nimada Soomaaliya