Qoyska Haweeney Somali oo uu Tareen ku jiiray Maraykanka oo codsaday in jawaab laga siiyo Shilkaasi.

Qoyska iyo Saaxiibadda  Haweeney Soomaali ah oo uu Isniintii la soo dhaafay Tareen jiiray ayaa dabday in jawaab laga siiyo qaabkii uu u dhacay Shilkaasi.

Marxuumadda oo la oran jirey Dhool Guure ayaa waxay dalka Maraykanka ku noolayd muddo 10-sanno.

Afhayeenka Jaalliydda Soomaalida ku nool magaalldda Norfolk ee Gobalka Virginia, Faarax Cabdi ayaa sheegay inay maydka Marxuumadda laga helay Dhismo ay deggnayd, kuna dhow Jidka ay Tareendu maraan.

“Ma garnayno sida uu Tareenka ugu dhacay Marxuumadda” ayuu yiri Afhayeenka oo ka hadlay Shir Jaraa’id, wuxuuna is-weydiiyey qaabka uu u dhici karo shil noocaasi ah.

Shirka Jaraa’id waxaa ka soo qeyb galay qiyaastii 30 qof oo ka mid ah Jaalliyadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhinac taagnaa Calamadda Somalia iyo kan Maraykanka.

Aadan Kheyr Maxamuud oo ah Sayga Marxuumdda geeriyootay ayaa sheegay inuu ka argagaxay shilkaasi, wuxuuna xusay in lagu soo wargeliyey shiulkaasi 15 daqiiqo kadib markii uu ka tegay guriga uu Qoyskiisa degganaa.

Waxa uu intaasi ku daray inuu dul tegay maydkeeda, isla markaana uu aqoonsan kari waayey Wejigeeda, sababo la xiriiray sida uu Tareenka u jiiray.

Allaha U Naxariistee, Marxuumadda oo 32 jir ah waxay ifka kaga tegtay 5 carruur ah, oo da’dooda u dhexeyso 6 jir ilaa 13 jir.

Boliska ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan qaabkii uu u dhacay shilka ay ku geeriyootay Marxuumdda oo iyada shalay  lagu aasay magaalldda Norfolk ee Gobalka Virginia.