MUDAHARAAD KA DHAN AH XASAN SHEEKH OO MAANTA KA DHACAY GAROWE

Boqolaal Qof oo ka careysan colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo oo ay ku eedeynayaan Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha barxadda oo ay caanka ku tahay magaalada Garowe .

Banaanbaxayaasha ayaa dab qabadsiiyay ma sawirka Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ku qeylinayeen Ereyo lid ku ah Xasan Sheekh kuwaas oo aanu ka xusi karno “ Dooni mayno dagaal ooge, Dooni mayno Qabyaaliiste, iyo Ereyo kale oo ay dadku ku muujinayaan dareenkooda”.

Banaanbaxayaasha saaka isugu soo baxay fagaaraha barxadda Garowe ayaa baaq ugu diray guud ahaanba ummadda reer Puntland , Kaas oo ku aadan u istaagida difaaca Puntland , waxayna soo hadal qaadeen qabsashadii shalay kooxdii sheegatay inay ka tirsan yihiin Ururka Argagixisada ah ee DAACISH Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari  inkastoo ay isaga baxeen markii danbe.

“ Puntland waxay leedahay cadow badan oo kazoo horjeeda jiritaankeeda iyo nabadeeda, Aan gacmaha is qabsano, Aan u midowno cadowgeena iyo kuwa dhibaatada ku ah, Midnimadeena, Nabadeena iyo Horumarkeena “ ayaa ka mid ahaa kalmadaha kazoo baxayay banaan baxayaasha afkooda.

Maamulka Degmada iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa ka qeyb galay banaan baxa maanta ka dhacay magaalada Garowe, wuxuuna sheegay Cumar Faraweyne inaysan jireyn cid Puntland ka aadeysa Muqdisho ilaa iyo inta Dowlada Federalku saxayso khaladaadkeeda.

Goor kala soco muuqaal PUNTLAND POST ka diyaarisay sida uu u qabsoomay banaanbixii maanta Garowe .

img_6570img_6573img_6576img_6588img_6591img_6592img_6596img_6597img_6599img_6600img_6601img_6602img_6604img_6606img_6608img_6609img_6611img_6613img_6614img_6618img_6619img_6621img_6625img_6631img_6633img_6634img_6635img_6641img_6642